Wasaarada caafimadka jubbaland aya ka bilowday magalada dhoobley iyo nawaaxigeeda ololaha talaalka jadeecada kadib markii laga so sheegay kiisas badan o laga shakiyay cudurka jadeecada kuwaas oo lagu arkay caruur badan o ku nool magalada dhoobley iyo nawaaxigeeda.kadib baaritaan lagu sameeyay kiisaskaas waxa la xaqiijiyay inay tahay jadeeco.
Wasarada cafimadka jubbaland oo kaashaneeso hay’ada MSF aya bilowday ololahan talaalka jadeecada si looga hortago inay dhibaato gaarsiiso caruurta ku nool magalada dhoobley iyo nawaaxigeeda.
Ololahan aya waxa daahfuray Agaasimaha waaxda adeegyada caafimaadka iyo xaaladaha Deg-degga ah ee wasarada cafimadka jubbaland #DrMohamed BashirNur isago kula dardaarmay dhaman shaqalaha ka qeyb qaadanaya ololahan inay si wanagsan uga qeybqaataan ka hortaga iyo yareenta qatarta cudurka jadeecada.
Sido kale Agaasimaha aya sheegay in ololahan uu ka duwan yahay kuwii horay loo qaban jiray waxa uuna sheegay in uu socon doona mudo 30 bari ah si loo yareeyo loogana hortago qatarta cudurka jadeecada.
Sido kale wasarada cafimadka jubbaland o kaashaneeso MSF waxay daawo gaarsiisay xarumaha Caafimaadka magalada dhoobley iyo isbitaalka guud ee dhoobley si loogu daaweeyo caruurta la xanuunsanaya cudurka jadeecada.
Sido kale Agaasimaha aya sheegay in ololahan uu ka duwan yahay kuwii horay loo qaban jiray waxa uuna sheegay in uu socon doona mudo 30 bari ah si loo yareeyo loogana hortago qatarta cudurka jadeecada.