
Ciidanka halyeeyada dowladda Jubbaland gaar ahaan Guutada Birjeex iyo KumaandooskaDanab, gaar ahaan Ururka 162aad, ayaa howlgal gaar ah ka fuliyey deegaanka Xaliimo Cadey oo hoostagta degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalkaas ayaa lagu dilay in ka badan 37 xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta halka tiro ku dhow 40 xubnood oo kale lagu naafeeyay kuwaas oo isugu jiray horjoogayaal sare iyo maleeshiyaad caadi ah.
Xubnaha la dilay waxaa kamid ahaa ilaa 7 horjooge sare waxaana ugu magac dheer:
1. Sheekh Axmed Abuu Yiinis (Afgarasho: Sharxul Xabiib) oo horey u ahaa Amiirkii Khawaarijta ee gobolka Jubbada Hoose, islamarkaana hadda ahaa madaxa jabhadda maleeshiyaadka Khawaarijta ee gobolkaasi.
Maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa gabaad ka dhigtay duleedka deegaanka Xaliimo Cadey, iyagoo halkaas ka abaabuli jiray weerarada ay ku hayaan shacabka iyo ciidamada.
Ciidanka dowladda Jubbaland iyo Kumaandooska Danab ayaa adeegsaday hub culus oo madaafiic ah si ay uga saaraan kooxda Khawaarijta deegaanka, waxaana ay fuliyeen weerar qorsheysan oo dhabar-jab weyn ku noqday cadowga.














