MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SAFAR SHAQO UGU AMBA BAXAY NORWAY

34
Muqdisho, Juunyo 09, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u ambabaxay dalka Norway, halkaas oo uu ku tagi doono booqasho shaqo oo muddo saddex maalmood ah.
Madaxweynaha ayaa Inta uu ku sugan yahay Oslo, waxaa wadahadallo laba geesood ah la yeelan doonaa Ra’iisul Wasaaraha Norway si loo xoojiyo xiriirka istiraatiijiyadeed ee labada dal.Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa khudbad muhiim ah ka jeedin doona shirkasannadlahaah ee Oslo Forum 2024.