
Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa sheegtay in mashruuc lagu horumarinayo Beeraleyda & Xoolo dhaqatada laga fulinayo Magaalooyinka Kismaayo oo Jubada Hoose katirsan iyo Luuq oo Gobolka Gedo ah.
Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa sheegtay in Dadka Xoolo dhaqatada ah & kuwa beeraha leh laga gacansiinayo sidii loogu sameyn lahaa goobo ay ka helaan biyaha iyo daaqa.
Jubbaland ayaa sheegtay in tallaabadaan ay hoos u dhigeyso dhibaatooyinka badan ay la kulmaan Dadka xoolaha dhaqda iyo kuwa Beeraha Fasha xilliyada adag ee Abaartu ka jirto deegaannada mashaariicdaan laga hirgelinayo.
Agaasimaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland Ayaanle Xuseen Maxamed ayaa sheegay in muddo lasoo oddorasay mashruucaan oo ugu dambeyn haatan taagan dhabbihii uu ku hirgeli lahaa.
Deegaanno badan oo katirsan Dowlad-Goboleedka Jubbaland waxaa saameyn taban ku reebay abaarta, daadadka Roobka, Fatahaadda Webiga Jubba iyo colaadda iyada oo dad badan ay u barakaceen xeryo aanay ku helin gargaarka ay u baahan yihiin.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







