Wasaaradaha caddaaladda iyo amniga Jubaland oo Kismaayo ku qabtay kulanka billa ah ee bulshada iyo bahda caddaaladda.

0
3
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Dowladda Jubaland, iyo Wasaaradda Amniga Gudaha, ayaa  magaalada Kismaayo ku wada qabtay kulanka billaha ah ee Bulshada iyo Bahda Caddaaladda.
Kulanka waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Jubaland, oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wasiirka Wasaaradda Haweenka, Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Gargaarka, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada, hoggaanka Booliska, wasaaradda caafimaadka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Kulankan oo ah madal furan oo bille ah ayaa bulshada iyo bahda caddaaladda u noqday goob ay si toos ah ugu wada hadlaan, kuna soo bandhigaan arrimaha muhiimka ah ee khuseeya caddaaladda, amniga iyo adeegyada bulshada.
Madashani waxay noqotay hannaan muhiim ah oo wax weyn ka beddelay xiriirka iyo wada-shaqaynta u dhexeysa bulshada iyo hay’adaha dowladda. Waxa ay bulshada u suuragelisay inay si toos ah u soo gudbiyaan cabashooyinkooda, baahiyahooda iyo talooyinkooda, halka hay’adaha dowladda ay fursad u helayaan inay si dhow u fahmaan xaaladda iyo baahiyaha bulshada.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Avv Abdalla Qanuni oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in kulamada noocan ahi muhiim u yihiin xoojinta kalsoonida, isla-xisaabtanka iyo wada-shaqaynta bulshada iyo hay’adaha caddaaladda, isla markaana ay fursad u yihiin in xalal wax-ku-ool ah loo raadiyo caqabadaha jira.