Nabadoon Siyaad Xassan Gaarane oo kismaayo lagu caleema saarey

61

Mid ka mid ah beelaha daga Deegaanada Jubbaland ayaa magaalada kismaayo ku qabtay munaasabad ay ku Caleemo saarayeen Nabadoonka cusub ee Beesha.

Munaasabada Caleema-saarka ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Dowlada, Odayaasha Dhaqanka, Culimaa udiin, iyo Marti sharaf kale.

Maxamuud Kilaas oo ah Nabadoonkii hore beesha oo Madasha ka hadlay ayaa soo dhoweeye Nabadoonka Cusub waxa uuna kula dardaarmay in uu ka shaqeeyo midnimada iyo Wadajirka reerka.

Nabadoon Maxamed Cabdi oo ku hadlayay afka odayaasha dhaqanka ee kulanka Caleema-saarka joogay ayaa alle oga baryay nabadoonka Cusub in uu xilka culus u fududeeyo.

Gudoomiye kuxigeenka Degmada kismaayo ahna Xoghayaha Dowladda Hoose Daahir Xuseen Cabdi oo Munaasabada ka hadlay ayaa soo dhaweeyey Nabadoonka Cusub una rajeeyay in alle ku guuleeyo xilka uu u qabtay reerka.

Ugu dambeyn Nabadoonka Cusub ee maanta la caleema-saaray Nabadoon Siyaad Xasan Gaarane ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono Midnimada iyo wadajirka reerka, asagoo ka codsaday odayaasha iyo nabadoonada in ay la shaqeeyaan si ay ugu fududaato Masuuliyada Culus ee uu Maanta qabtay.