Madaxweyne Axmed Islaam oo ansixiyay xeerarka Gargaarka Bini’aadantinimada

0
225

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane H.E Ahmed Mohamed Islaam ayaa saxiixay Xeerka Ilaalinta Gargaarka Bini’aadantinimada, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Jubaland.

Xeerkan cusub ee Ilaalinta Gargaarka Bini’aadantinimada ayaa lagu saleeyay baahida loo qabo in la helo nidaam dowladeed oo hagaya hawlaha gargaarka, isla markaana damaanad qaadaya badqabka, madax-bannaanida iyo hufnaanta howlaha bani’aadantinimo.