
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo War-saxaafadeed ka soo saaray daandaansi iyo been-abuur lagu sameeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed kaas oo uu ka danbeyay madaxweynaha sida sharci darrada ah ku jooga Villa Somalia eew Xasan Sheikh Maxmuud.
War saxafadeedka ayaa lagu yiri golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu si adag u canbaaraynayaa falalka daandaansiga iyo been abuurka ah ee lagu sameynayo Madaxweynaha hore ee dalka, Shariif Sh. Axmed, oo maalmihii la soo dhaafay hoygiisa la dul dhigay ciidamo hubaysan, kuwaas oo carqaladaynayay howl maalmyeedkiisa, khatarna geliyay amnigiisa.
Madaxweynihii muddo xileedkiisu dhammaaday waxaa laga sugayay in uu dalka u jiheeyo wadahadalo dhab ah oo laga galo sidii dalka doorasho heshiis lagu yahay uga dhici lahayd, waxaase wax laga xumaado ah in uu hadda ku socdo waddo uu ku bannaysanayo dhigga dadka ka aragtida duwan, gaar ahaan xubnaha Mucaaradka, isaga oo hay’addii amniga u adeegsanaya siifo sharci darro ah.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu ka digayaa cawaaqibka ka dhalan kara falalka daandaansiga iyo argagax gelinta ee qaar ka mid ah hay’adaha amniga ay ku hayaan hoyga Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sh. Axmed, wuxuuna caddeynayaa in mas’uuliyadda uu qaadan doono Madaxweynaya muddo xileedkiisu dhammaaday, Xasan Shiikh Maxamuud.
Ugu dambayn, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu Madaxweynaya Muddo xileedkiisu dhammaaday ugu baaqayaa in uu joojiyo tallaabooyinka daandaansiga ah ee horseedi kara isku dhacyo, abuuri karana khatar amni, isla markana u jeesto heshiis laga gaaro doorashooyinka dalka.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







