Xildhibaanada ku bahoobay gollaha samatabixinta Qaranka ayaa si adag uga soo hor jeesta qalaalasaha DFS ay ka wado Jubbaland gaar ahaan Gobolka Gedo.

0
226

Qoraalka Xildhibaanada Golaha Samatabixinta Qaranka Soomaaliyeed wuxuu si adag u cambaaraynayaa falalka xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ay ku eedeynayaan inay ka wado xasilooni darro iyo faragelin siyaasadeed dowlad goboleedyada sida Jubaland.

Waxay sheegeen in dowladda federaalka ay si qaldan u adeegsanayso ciidanka qaranka si loogu fuliyo dano siyaasadeed iyo in lagu abuuro dagaallo sokeeye, halkii la dagaallanka argagixisada xoogga la saari lahaa.

Xildhibaanadu waxay si gaar ah uga digeen isku dayga dhismaha maamul cusub oo laga sameeyo Garbahaarey, iyagoo ku tilmaamay dastuur jebin iyo khatar amni oo horseedi karta dhiig daata iyo burbur nabadeed.