
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Jubaland, Mudane Cabdullaahi Axmed Cabdullaahi ayaa booqasho ku tagay Xarunta Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Dagmada Dhoobley, halkaas oo ay ku bartaan xirfadaha kala duwan ee farsamada gacanta.
Agaasimaha Guud oo ay si diiran usoo dhoweeyeen Hoggaanka Sare Dhalinyarada Dhoobley ayaa inta uu boqoashada ku jiray ayaa wax uu indho indheeyey xarunta iyo xafiisyada ay ku shaqeeyaan Ururka Dhalinyarada iyo kan Ciyaaraha ee Degmada.
Sidoo kale, Agaasimaha ayaa la kulmay Dhalinyarada Degmada asagoo kula dardaarmay in ay ka shaqeyaan iskuduubnida, midnimada, ka hortaga tahriibka iyo waxyaalaha maanka dooriyo, ayagoo dhalinyarada dhinacooda su’aalo ku waydiiyay Agaasimaha, asaguna waa uu uga jawaabay.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







