Ciidamo Boliis ah oo tababar loosoo xirey deegaanka Deg-Elama ee degmada Dhobley

0
216
Ciidanka Booliska Deegaanka Deg Elama ee degmada Dhobley oo muddo tababar uga socday Saldhigga Degmada Dhobley ayaa  si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay.
Ujeeddada tababarkan ayaa ahayd kor u qaadista aqoonta ciidamada, baridda hanaanka cadaaladda, iyo xoojinta la-dhaqanka bulshada.
Intii uu tababarku socday, waxaa casharro bixiyay saraakiil ka tirsan xafiisyada oobiga iyo Danbi-baarista (CID).
Xiritaanka tababarka waxaa ka qayb galay Taliyaha Saldhigga Booliska Dhobley, G/Dhexe Cabdulqaadir Xasan Cabdi, Taliyaha Hoggaanka Maaliyadda Booliska Jubbaland, Dhamme Mukhtaar Cabdi Kaahin, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose.