Mid kamid ah beelaha daga Jubbaland oo deeq xoola ah ku wareejisay Ciidamada Daraawiishta Jubbaland

0
152
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Jubbaland, Sareeye Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhumaal), ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay deeq xoolo ah oo ka kooban 20 neef oo geel ah, taas oo ay ugu talo galeen ciidammada
Munaasabadda wareejinta Taakuladan waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Darawiishta Jubbaland, Sareeye Guuto Ismaaciil Saxardiid (Keydsane), iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan hay’adaha amniga.
Deeqdan xoolaha ah waxaa soo gudbiyay Ugaas Cigaal Cabdi Shangalow, oo ah Ugaaska Beesha Bahgari, kaas oo sheegay in xoolahani ay yihiin Taakuleen loogu talagalay geesiyaasha naf-hurnimada ku difaacaya dalka, dadkooda iyo deegaannada Jubbaland.” Ugaasku wuxuu xusay in beesha Bahgari ay mar walba diyaar u tahay garab istaagga ciidanka qaranka iyo hay’adaha amniga.
Sidoo kale, Xildhibaan Abditajir Muxumed Qani iyo Sayid Cabdirahman Jaamac Caamir ayaa bogaadiyay ciidamada, iyagoo ku amaanay sida ay u gutaan waajibkooda qaran ee ku aadan ilaalinta amniga iyo xasilloonida Jubbaland.
Wasiirka Amniga, Sareeye Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhumaal), oo la wareegay Taalada Ciidanka, ayaa uga mahadceliyay beesha Bahgari tallaabadan geesinimada leh ee ay ku taageerayaan ciidanka.
Wasiirku wuxuu sheegay in “tallaabo kasta oo lagu garab istaago ciidamada difaaca ay tahay mid kor u qaadaysa dhaqanka isku duubnida iyo wadajirka bulshada Jubbaland.”
Ugu dambeyn, Wasiirku wuxuu deeqdan ku wareejiyay Taliyaha Ciidanka Darawiishta Jubbaland, Sareeye Guuto Ismaaciil Saxardiid (Keydsane), si loogu qeybiyo ciidamada ku jira furimaha howlgalka iyo ilaalinta nabadgelyada.