Wasaaradda Haweenka Jubbaland oo Afmadow ku Qabatay Siminaar Ku Saabsan Dhaqan-galinta Xeerarka Mamnuucaya Gudniinka Gabdhaha

0
126
Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Dowladda Jubbaland ayaa magaalada Afmadow ku qabatay siminaar ku saabsan Dhaqan-galinta xeerarka mamnuucaya Gudniinka, iyo waxyeelaynta caafimaadka gabdhaha.
Ujeeddada aqoon kororsigan ayaa ahayd kor u qaadista fahamka hay’adaha sharciga, bulshada iyo daneeyayaasha kale ee ku saabsan hirgelinta xeerarka ka hortagga gudniinka gabdhaha iyo ilaalinta xuquuqda caafimaadka haweena.
Barnaamijkan ayaa waxa wasaraaradda Haweenka ka taageeray hay’adda UNICEF.
Siminaarkan ayaa waxaa ka qeyb galay laamaha amniga mas’uuliyiin, ururrada bulshada rayidka, haween, dhalinyaro, aqoonyahanno iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.