Dhageyso:Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo Xasan Sheekh ku eedeeyay “doorasho boob ah” kana dalbaday joojinta barakicinta shacabka

0
147

Madaxweyne Ahmed Mohamed Islam ayaa maanta munaasabadda Ciidul-Adxaa ka jeediyay hadal uu si kulul ugu dhaliilay Hassan Sheikh Mohamud, isaga oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay waddo qorshe doorasho oo uu ku tilmaamay “doorasho boob ah”, isla markaana ay daba socoto  barakicin iyo cadaadis joogto ah oo shacabka lagu hayo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhinacyada golaha mustaqbalka ay muujiyeen dadaal kasta oo xal iyo wadahadal lagu gaari karo, balse uu sheegay in aysan jirin wax tanaasul ama isfaham ah oo laga gaaray dhinaca Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa uu xusay in shacabka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin xasillooni, wadajir iyo hannaan siyaasadeed oo lagu wada qanacsan yahay, halkii laga abuuri lahaa kala qeybsanaan iyo caburin siyaasadeed.

Sidoo kale, Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu si degdeg ah u joojiyo barakicinta iyo dhibaatooyinka lagu hayo shacabka, isagoo sheegay in dadka Soomaaliyeed ay maalin walba la ildaran yihiin duruufo adag iyo cabashooyin isa soo taraya.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in mas’uuliyadda ugu weyn ee hoggaanka dalka ay tahay ilaalinta midnimada shacabka iyo xaqiijinta cadaalad iyo doorasho xor ah oo loo dhan yahay.