
Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Dowladda Jubaland ayaa deegaanka Cabdalla Biroole ka daahfurtay tababar ku saabsan horumarinta aqoonta iyo xirfadaha ururrada haweenka.
Wasiirka Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubaland, Marwo Cadar Ismaaciil Cabdullaahi oo furitaanka ka hadashay, ayaa sheegtay in wasaaraddu si joogto ah u soo qabanqaabiso tababaro lagu xoojinayo.
awoodsiinta haweenka, kor u qaadista xuquuqda aadanaha, iyo xallinta khilaafaadka bulshada.
Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada dowlad goboleedka Jubaland iyo bah-wadaagta caalamiga ah ay ugu jiraan kobcinta ka qaybgalka haweenka ee dhanka horumarka iyo hoggaanka bulshada.









