
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowlada Jubbaland, Marwo Faadumo Cali Cabdikariin ayaa daahfurtay Shirka Wadatashiga Siyaasada Dhallinyarada Jubaland oo ka furmay magaalada Kismaayo.
Munaasabada dajinta siyaasada dhalinyarada oo ay soo agaasintay Wasaaradda Dhalinyarada, ayaa mudo labo maalmood ah uga socon doona ka qayb-gakayaal isugu jira rag iyo dumar, ayagoo si gaar gaar ah usoo gudbin doona aragtiyadooda wax galka ah ee muhiimka u ah dajinta Siyaasada Dhalinyarada Jubaland.
Isu imaatinkan ayaa loogu talo galay in da’ayarta ay isku aragti ka qaataan hirgelinta Siyaasada Dhalinyarada Jubaland, taas oo ku aadan hormarinta Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha.
Wasiir ku xigeenka, Marwo Faadumo Cali Cabdikariin ayaa kula dardaarmey dhalinyarada ka qayb galeysa shirkan in ay la yimaadaan wax ku biirin baaxad leh, maadaama qorshahani yahay mid udub dhexaad u ah horumarinta, tayeynta, iyo ka-qeyb-gelinta dhallinyarada ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, shaqo-abuurka, iyo nabad-dhisidda.
In kasta oo ay dhalinyaradu yihiin awoodda dalka, waxaa jira caqabado ay ka mid yihiin dhaqaale la’aan, qabyaalad, iyo nidaamka doorashooyinka oo ku adkeeya inay helaan kuraas. Si looga gudbo caqabadahaas, waxaa lagama maarmaan ah in la abuuro jawi loo siman yahay oo dhalinyarada lagu siiyo fursado siman iyo tababaro lagu dhisayo aqoontooda hoggaamineed.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







