
Ciidanka Daraawiishta Dowladda Jubaland iyo kuwa XDS gaar ahaan Kumaandooska Danab ayaa si guul leh u fuliyay howlgal ballaaran oo ka dhan ah khawaarijta, kaas oo laga sameeyay waqooyiga gobolka Jubbada Hoose ee Dowladda Jubbaland.
Howlgalka oo qayb ka ah dadaallada lagu sugayo nabadda iyo xasiloonida dalka ayaa lagu burburiyay xarumo ay kooxaha nabad-diidka ah ku sugnaayeen, waxaana la gaarsiiyay jab culus.
Saraakiisha ciidanka Daraawishata iyo kuwa kumaandooska XDS ayaa sheegay inay burburiyeen meelihii gabaadka u ahaa khawaarijta oo ay kamid yihiin goob ay shacabka kaga qaadayeen baadda ay ku sheegeen sakaatul-fidri, iyadoona saraakiisha ay sheegeen in la sii wadi doono howlgalka si meesha looga saaro dhagarta Khawaarijta.




