Wasaaradda Caddaaladda Jubbaland oo tababar u qabatay hay’adaha dowladda iyo bahda sharciyaqaannada

0
139
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jubaland ayaa magaalada Kismaayo ka furtay Tababarka Habka Qorista Siyaasadaha iyo Shuruucda. Tababarkan ayaa loo qabtay hay’adaha kala duwan ee dowladda, oo ay ku jiraan laanta fulinta, sharci-dejinta, garsoorka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan bahda sharciyaqaannada.
Waxaa si rasmi ah u furay tababarka Wasiirka Wasaaradda, Mudane Cabdiweli Xuseen Jaamac, iyadoo ay wehliyaan xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Jubaland iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullaahi Cabdiqaadir Aadan (Qaanuuni)
Ujeeddada tababarkan ayaa ah xoojinta awoodda xirfadeed ee qorista siyaasadaha iyo shuruucda, si loo helo hannaan sharci-dejin oo hufan, tayo leh, kana jawaaba baahiyaha bulshada. Sidoo kale, tababarku waxa uu qeyb ka yahay kor u qaadidda fahamka hagaha qorista siyaasadaha iyo shuruucda ee ay Wasaaraddu horey u diyaarisay, kaas oo lagu mideynayo habraacyada diyaarinta siyaasadaha iyo sharciyada.
Wasaaradda ayaa horey ugu qabatay tababarkan in ka badan 100 xubnood oo ka kala socday hay’adaha dowladda iyo qeybaha bulshada, taas oo muujinaysa dadaalka joogtada ah ee lagu kobcinayo aqoonta iyo xirfadaha la xiriira diyaarinta siyaasadaha iyo shuruucda dalka.