Macalin jaamacadeed oo lagu dilay Muqdisho

642

Alle ha u Naxariistee waxaa Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Dharkeenleey lagu dilay mid kamid ah Macalimiinta Jaamacadaha kuyaalla Magaalada Muqdisho, iyada oo dadka dilay ay baxsadeen.

Macalinka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Cusmaan Axmed Macow ayaa kamid ahaa Macalimiinta Jaamacadda Horseed, waxaana la sheegay in rag Burcad ah oo ka dhacayay taleefoonkiisa ay ku dileen Suuqyaraha degmada Dharkeeneey.

Ragga Burcadda ah iyo Macalinka ayaa ka hor dilka la sheegay in uu dhexmaray muran taas oo keentay inay dilaan, iyaga oo ka qaatay taleefoonkiisii iyo Agab kale oo uu watay.

Qaar kamid ah ehelladiisa ayaa tegay goobta uu dilka ka dhacay, iyaga oo Goobta ka qaaday meydka Macalinka, kaas oo la geeyay Xarunta Hay’adda dambi baarista ee CID-da.

laamaha Amniga iyo Maamulka degmada Dharkeenleey ayaan weli ka hadlin dilkaas, waxaana uu kusoo beegmay xilli ay muqdisho kusoo bateen Kooxo burcad ah oo dadka dilaya kadibna dhac u geysanaya.