Wasiirka tamarta iyo kheyraadka biyaha Jubbaland oo Shir gudoomiyay shirka Sanadlaha ee wasaarada qaar kamid ah shaqaalahana gudoonsiiyay shahaado shaqa wanaag ah

0
155
Wasiirka Wasaaradda Tamarta & Kheyraadka Biyaha Dowladda Jubaland, Mudane Ahmed Hussein Baraki, ayaa shir-guddoomiyay shirka sanadlaha ah (Annual Meeting) oo maanta ka qabsoomay xarunta dhexe ee Wasaaradda.
Shirkan oo diiradda lagu saaray dib-u-eegista waxqabadka Wasaaradda, ayaa waxaa kasoo qeyb galay Agaasimaha Guud, Maareeye Ku-xigeenka Wakaaladda Biyaha, Agaasima-waaxeedyada, iyo dhammaan shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda.
Kulankan oo saacado badan qaatay, ayay Agaasima-waaxeedyadu kusoo bandhigeen waxqabadka sanadkii hore, guulihii lagaaray iyo caqabadihii ay la kulmeen, iyo sida oo kale qorshayaasha lagu horumarinaayo howlaha Wasaaradda.
Wasiirka, ayaa dhankiisa shaqaalaha ku bogaadiyay dadaalka iyo howl-karnimada ay muujiyeen, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay sii laba-jibbaaridda adeegyada loo hayo bulshada iyo ilaalinta masuuliyadda shaqo.
Gabagabadii shirka, Wasiirka ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay qeybo kamid ah howl-wadeenada wasaaradda, kuwaasi oo noqday shaqsiyaadkii ugu waxqabadka fiicnaa sanadkii tagay, si loogu dhiirigeliyo dadaalkooda iyo kaalinta muuqata ee ay ka qaateen horumarinta howlaha Wasaaradda.