Ururka dhaqaatiirta Jubbaland oo hoggaan cusub doortay

0
146
Doorashada Ururka Dhaqaatiirta Jubbaland ayaa si rasmi ah uga qabsoontay magaalada Kismayo, gaar ahaan Hotel Agan, iyadoo lagu doortay hoggaanka cusub ee ururkaasi hoggaamin doona howlaha dhaqaatiirta Jubbaland.
Doorashada oo si habsami leh u dhacday ayaa waxaa xilka guddoomiyaha ururka u tartamay Dr Cabdirisaaq Maxamed Cabdi (Gaaxnuug), iyadoo sidoo kale la doortay guddoomiye ku xigeenka iyo xoghayaha guud ee Ururka Dhaqaatiirta Jubbaland.
Munaasabadda doorashada ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ka socday hay’adaha dowladda Jubbaland, qeybaha bulshada rayidka ah iyo xubno ka tirsan bahda caafimaadka, kuwaas oo bogaadiyey qabsoomidda doorashada iyo mideynta dhaqaatiirta ka howlgala deegaanada Jubbaland.
Masuuliyiintii goobta ka hadlay ayaa sheegay in ururka cusub laga filayo inuu door weyn ka qaato horumarinta adeegyada caafimaadka, isku xirka dhaqaatiirta Jubbaland iyo ilaalinta tayada howlaha caafimaad ee bulshada loo hayo.
Doorashadan ayaa kusoo aadeysa xilli baahi weyn loo qabo xoojinta adeegyada caafimaadka iyo iskaashiga bahda caafimaadka ee deegaanada Jubbaland.