
Weerar Lagu dilay dad Shacab ah Ayaa ka dhacay duleedka deegaanka Saax-qurun oo dhacda galbeedka Galkacyo ee Gobolka Mudug.
Weerarkaasi xalay saqdhexe dableyda hubeysani ee aan haybtooda la aqoon ay ku qaaday Qoyskaas ayaa waxa ku dhintay 2 Caruur ah iyo Aabahood oo lagu magacaabo Xasan Diiriye Cilmi Waalid, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay wiil yar oo 8 deed jir ah.
Hooyada Caruurta dhashay ayaa la sheegay inaanay goobta joogin marka uu falkaasi dhacayay. Sida uu SONNA usheegay wakiilka warbaahinta Qaranka ee Galkacyo.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







