Qaar kamid ah booliska Jubbaland oo loo furey tababar ku saabsan ka hortagga tacadiyada haweenka iyo carruurta

0
213

Xarunta Taliska Booliska Dowladda Jubaland ayaa si rasmi ah uga furmay tababar socon doona muddo hal bil ah (30 cisho), kaas oo diiradda saaraya ka hortagga tacadiga ka dhanka ah haweenka iyo carruurta (SGBV).

Tababarkan waxaa iska kaashanaya Booliska Jubaland iyo Booliska Sierra Leone, waxaana uu ujeedkiisu yahay:

Xoojinta xirfadaha ciidanka ee baaritaanka kiisaska xadgudubyada jinsiga.

Hagaajinta habka loola tacaalo iyo daryeelka dhibbanayaasha nugul.

Sugidda caddaaladda iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Taliyaha Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID) ee Booliska Jubaland, Kabtan Cumar Xujaale Cabdi, ayaa si rasmi ah u furay tababarkan muhiimka ah, isagoo sheegay in uu kaalin weyn ka qaadan doono horumarinta awoodda ciidanka iyo ilaalinta bulshada.