Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland oo Ceelwaaq Ka Daah-furtay Tababar Kor u Qaadaya Hoggaaminta

0
171
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u Heshiisiinta Jubbaland ayaa degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ka daah-furtay aqoon-is-weydaarsi socon doona muddo saddex maalmood ah, kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta awoodda hoggaaminta iyo la-talinta bulshada.
Tababarkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay maamulka degmada, saraakiisha laamaha amniga, dhalinyaro, aqoonyahanno iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo lagu falanqeeyay sidii loo horumarin lahaa wada shaqeynta bulshada iyo hay’adaha dowladda.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland ayaa sheegtay in barnaamijkan uu qeyb ka yahay dadaallo lagu xoojinayo nabadeynta, wacyigelinta bulshada iyo horumarinta maamulka degmada Ceelwaaq.
Bulshada ku nool degmada Ceelwaaq ayaa si weyn u soo dhaweeyay tababarada iyo barnaamijyada wacyigelinta ah ee ay wasaaraddu ka waddo degmada maalmihii la soo dhaafay.