Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee Doolow oo howlgal ku qabtay maandooriye

0
205

Howlgal qorshaysan oo uu hoggaaminayay Taliyaha Amniga Degmada Doolow, Mohamed Hassan Buulle, ayay Ciidanka Daraawiishta Jubbaland kusoo qabteen xashiish lagu beeray beeraha ku yaalla deegaano hoos yimaada Degmada Doolow.

Sidoo kale, howlgalka ay sameeyeen Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ayaa lagu soo qabtay beeraley iyo dadkii ku lugta lahaa ganacsiga maandooriyahaasi.

Taliyaha amniga oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la hayo xogta dad ganacsato ah oo lacago ka sameynayay xashiishka lagu beerayay beeraha degaanka. Waxa uu sidoo kale sheegay in aan marnaba la oggolaan doonin in xuduudaha laga beero ama laga ganacsado waxyaabaha maandooriyaha.