Wasiiru Dowlaha Caafimaadka XFS oo daahfurtay Ollolaha Qaliimada iyo daweynta caruurta ku dhalata daloolada wadnaha,

50

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Caafimaadka XFS HE.Dr. Maryan Maxamed Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daahfuray Ollolaha Qaliimada iyo daweynta caruurta ku dhalata daloolada wadnaha, kaasi oo ay iska kaashanayaan Hey’adda Samafalka ee Madaale Foundation iyo Isbitaalka taqasusiga Wadnaha ah ee Redsea.

Mashruucaan Samafalka ah oo ay kafaala qaaday Hey’adda Madaale Foundation ayaa loogu tala galay in ay ka faa’ideystaan tobonaan caruur ah oo ku dhashay xanuunka daloolada wadnaha.

Sidoo kale Wasiiru Dowlaha Wasaarada Caafimaadka ayaa bogaadisay dadaalka uu Isbitaalka Redsea wado iyadoo balan qaaday in Wasaaradda Caafimaadka ay kaalin mug leh ka qaadan doonan Olalaha Caafimaad u raadinta Caruurta la ildaran Xanuunka Daloolada Wadnaha.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Caafimaadka ayaa Isbitaalka RedSea uga mahacelisay hirgelintaΒ  adeegan oo loo aadi jiray wadanka dibadiisa taasoo ay ku bixaan qarashaad badan oo culeys ku ah bukaanda balse manta waxaa daboolay baahidaas isbitaalka redsea, waana markii ugu horaysay ee gudaha wadanka lagu fulinaayo xirista daloolada wadnaha ee caruurta yar yar.

Munaasabadda daahfurka ollolahan waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Hodan iyo Maamulka Isbitaalka Redsea, Bahda Caafimaadka iyo qaar ka mid ah eheladda bukaanada ololahan kaa lagu daaweynayay.