Amar kasoo baxay Taliska Booliska Magaalada Beledweyne

921

Taliska Ciidanka Booliska Maamulka Hirshabeelle ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Maanta soo saaray amar ku socda gaadiidleyda Magaalada iyo Bulshada kunool halkaas.

Qoraal kasoo baxay Taliyaha Booliska Baladweyne Maxamed Maxamuud Rooble ayaa waxaa dhammaan gaadiidleyda nooca xamuulka qaada lagu amray in aysan Magaaladaas soo gelin karin gaadiid kahor 10:00 AM Barqanimo.

Sidoo kale gaadiidleyda ayaa waxaa la faray in wax gaari ah aysan hor dhigi karin ama Baakin loo ogoleyn Isbitaalka weyn ee Baladweyne hortiisa iyo inta u dhexeeysa halka loo yaqaano Bacadlaha ragga iyo Xarunta Lamagalay.

Booliska Maamulka Hirshabeelle ayaa sidoo kale amarka uu soo saaray waxaa ku jira in gudaha Magaalada aan lagu dhex wadi karin gaadiid ay ku dhagan yihiin Miraayadaha Madow leh, waxaana cidii u fulin weyda amarkaas laga qaadi doono tallaabo sharci ah.