Wasaaradda Caddaaladda Jubbaland oo Xabsiga Kismaayo ku Qabatay Xaflad Qalinjebin Maxaabiis

0
172
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland ayaa xabsiga dhexe ee magaalada Kismaayo ku qabatay xaflad qalinjebin ah oo loo sameeyay maxaabiis dhammeysatay barashada farsamada gacanta iyo waxbarashada aasaasiga ah.
Xafladdan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland, Mudane Cabdiweli Xuseen Jaamac, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ahna Ku-simaha Wasiirka, Ibraahim Qooshow, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Jubbaland, Nuuradiin Maxamed Khaliif, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda, Mudane Cabdullaahi Cabdiqaadir Aaden (Qaanuuni), Taliyaha Ciidanka Asluubta, Cabdi Kaafi Dayib, Taliska Ciidanka Dambi-baarista Booliska, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada – sida haweenka, dhalinyarada iyo ururrada bulshada rayidka ah.
Xafladdan ayaa waxaa ka qalinjebinayay maxaabiis la baray xirfado kala duwan oo isugu jiray akhris iyo qoraal, harqaan, koronto iyo farsamooyin kale oo gacanta ah, kuwaas oo loogu talagalay in lagu kobciyo xirfaddooda iyo dib-u-dhiska noloshooda bulshada dhexdeeda ah marka ay xabsiga ka baxaan.
Sidoo kale, maxaabiista qalinjebisay ayaa lagu wareejiyay qalabkii ay ku shaqeysan lahaayeen,
Kuwaas oo ay ka mid yihiin harqaanka iyo qalabka korontada, si ay ugu suuragasho inay xirfadaha ay barteen uga faa’iideystaan nolol-maalmeedkooda iyo horumarinta mustaqbalkooda.
Tan ayaa qayb ka ah dadaallada ballaaran ee ay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland ku xoojinayso dib-u-habaynta iyo dhaqan-celinta maxaabiista, iyadoo la siinayo waxbarasho iyo xirfado shaqo oo u suurtagelinaya inay ka fogaadaan ku noqoshada dambiyadii hore, isla markaana noqdaan kuwo ku shaqaysta xirfadahooda marka ay dib u helaan xorriyaddooda.