Madaxweynaha Dowladda Jubbaland oo kormeer Ku tagay wasaaradda maaliyadda si loo xoojiyo maamulka maaliyadeed.

0
163
Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa  kormeer shaqo ku tagay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda, isagoo u kuurgalay habsami u socodka shaqada iyo dadaallada lagu horumarinayo nidaamka maaliyadeed ee dowladda.
Madaxweynaha ayaa masuuliyiinta Wasaaradda ka dhageystay warbixin ku saabsan howlaha socda, wuxuuna ku boorriyay in la xoojiyo hufnaanta, isla xisaabtanka iyo kor u qaadidda waajibaayda shaqo ee Wasaaraddda si loo gaaro horumar waara.