Ciidanka Daraawishta Jubbaland oo markan door wayn ka qaadanaya Ololaha nadiifinta Xeebaha Degmada Kismaayo .

71
Ciidanka Daraawishta Jubbaland ayaa maanta qayb ka ahaa Ololaha nadiifinta Xeebaha Degmada Kismaayo kaas oo soconaya mudo sadex maalin ah.
Ololahan oo ay waddo wasaaradda deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Jubbaland ayaa looga golleeyahay in bilicda deegaan iyo quruxda xeebaha dib loogu soo celiyo.
Barnaamijka ololaha nadaafadda deegaanka ee ay garwadeenka ka tahay Wasaaradda Deegaanka waxaa maanta door weyn ka qaatay Wasaaradda Amniga gudaha Jubbaland gaar ahaana Ciidamada Daraawiishta Jubbaland oo uu horkacayay Talyaha Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Gen Ismaaciil Saxardiid Keydsane.
Cutubkan maanta ka qeyb qaatay nadiifinta Xeebta Calanley ee magaalada Kismaayo ayaa qabtay howl baaxadeedu ay balaarantahay oo laga dareemayo Xeebta Calanley oo markii hore aheed goob qashin badan uu yaalo balse hadda uu isbadel badan ka muuqdo.