Madaxweyne Deni oo magacaabis sameeyay.

0
1742

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer oo ku magacaabay Labo agaasimayaal guud.

Warkan oo kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri:

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidoodaiyo waaya-aragnimadooda shaqo.

Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta iyo dardar gelinta shaqooyinka Dowladda.

Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Jaamac Xasan Cabdule loo magacaabay Agaasimaha Guud Wasaaradda Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyaradda & Ciyaaraha Dowladda Puntland.

2. Waxaa Maxamed Imaan Cabdulle loo magacaabay Agaasimaha Guud Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay