Ciidamada geesiyaasha Dowladda Jubbaland, gaar ahaan Guutada Birjeex oo howlagalo ka fulisay deegaano hoos yimaada G.Jubbada hoose

0
278

Ciidamada geesiyaasha Dowladda Jubbaland, gaar ahaan Guutada Birjeex, ayaa maalmahan dambe xoojiyay howlgallo amni xaqiijin ah oo ka socda deegaano hoos yimaada Buula-xaaji ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu sugayo amniga iyo xasiloonida guud ee gobolka.

Howlgalkan oo ay hoggaaminayeen saraakiisha Guutada Birjeex, ayaa si gaar ah diiradda u saaray xaqiijinta amniga tuulooyinka, iyo la socodka dhaq-dhaqaaqyada kooxaha nabad-diidka ah.

Saraakiisha ayaa sheegay in ujeedka howlgalladu yahay in la adkeeyo ammaanka, isla markaana laga hortago weerarro iyo falal amni darro oo ay qorsheynayaan maleeshiyaadka Khawaarijta.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sidoo kale ku booriyay shacabka ku dhaqan deegaanadaas inay la shaqeeyaan ciidamada, islamarkaana ay bixiyaan xog kasta oo gacan ka geysan karta sugidda amniga.

Waxay xuseen in amniga iyo xasiloonidu ay ku xirantahay iskaashiga ka dhexeeya shacabka iyo ciidamada.

howlgalladan ayaa muujinaya dadaalka ay Dowladda Jubbaland ugu jirto xaqiijinta nabad waarta, iyada oo ciidamada Daraawiishta ay door muuqda ka qaadanayaan ciribtirka kooxaha khatarta ku ah nabadda iyo horumarka gobolka Jubbada Hoose.