
Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Jubbaland ahna ku-simaha Madaxweynaha, Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa magaalada Doolow ka dhagax-dhigay dhismaha waddo muhiim ah oo isku xiri doonta degmooyinka Baladxaawo iyo Doolow.
Waddadan oo qeyb ka ah mashruuca Daris Wacan ayaa waxaa maalgelinaya hay’adda IOM, iyadoo la filayo in ay door weyn ka qaadato horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee gobolka.
Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa goob-joog ka ahaa xubno ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Jubbaland Guddoomiye ku-xigeenka degmada Doolow, madax mashaariicda iyo xariirka Hay’addaha ee degmada Dollow iyo madax ka socotay hay’adaha ka shaqeeya arrimaha horumarinta iyo mashaariicda.
Dhismaha waddadan ayaa la filayaa in uu si weyn u fududeeyo isku socodka gaadiidka, kor u qaado ganacsiga, isla markaana xoojiyo isku xirka bulshada ku nool labada degmo ee Baladxaawo iyo Doolow.
Ugu dambeyn, masuuliyiinta ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda mashruucan uu u leeyahay horumarka deegaanka, iyagoo uga mahadceliyay hay’adda IOM taageerada ay siiso bulshada gobolka Gedo.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







