
Dawladda Hoose ee Degmada Kismaayo ayaa warbixin hordhac ah ka dhageysatay shirkadaha bahwadaagta ah ee kala ah SGAPI SRL (Italy) iyo Descon Architecture & Engineering Consultants (Somalia), kuwaas oo degmada Kismaayo loo xil saaray qandaraaska daraasaadka lagu diyaarinayo habka biyaha roobka looga saari lahaa gudaha magaalada Kismaayo.
Daraasaadkan ayaa lagu doonayaa in xal waara loo helo sidii loo maareyn lahaa biyaha roobka ee khasaare ba’an u geysta bulshada ku nool degmada Kismaayo xilliyada roobka.
Mashruuca Nagaad (SURP-II), gaar ahaan xirmooyinkiisa 1aad iyo 2aad (Package 1 & 2), ayaa horey uga qeyb qaatay xal u helidda dhibaatada biyaha roobka ee qaar ka mid ah xaafadaha magaalada. Daraasaadka hadda socda ayaa loo diyaarinayaa si xal waara loogu helo dhibaatooyinka roobabka keena ee saameeya magaalada Kismaayo xilliyada roobaadka.
Magaalada Kismaayo ayaa heshay fursad muhiim ah oo ay kaga bixi karto caqabadaha biyaha fadhiya, kuwaas oo sababi jiray dhibaatooyin ba’an, joojin jirayna isu socodka bulshada ku kala nool xaafadaha magaalada.
Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada, Mudane Omar Abdullahi Mohamed Faraweyne, oo furay shirka, ayaa soo dhaweeyey shirkadaha bahwadaagta ah, kuna dardaarmay in daraasaadka lagu soo gabagabeeyo waqtiga loogu talagalay, oo ku eg dhammaadka bisha Diseembar 2025.










