Wasaaradda Qorshaynta Jubbaland oo Xoojisay Iskaashiga NLA iyo Safaaradda Sweden si loo Dardargeliyo Horumarka iyo Hoggaaminta

0
143
Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland ayaa  kulan muhiim ah la yeelatay Machadka Hoggaaminta Qaranka (National Leadership Academy – NLA) iyo masuuliyiin ka socday Safaaradda Dowladda Sweden.
Kulanka waxaa ka qeyb galay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda, Faarax Mukhtaar Daa’uud, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, qaar ka mid ah shaqaalaha waaxyaha Wasaaradda, Agaasimaha Guud ee Machadka Hoggaaminta Qaranka, Marwo Hodan Noor Cabdi, iyo sidoo kale xubno sare oo ka socday Safaaradda Sweden.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya hay’adaha dowladda iyo deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, si loo dardargeliyo hirgelinta mashaariicda ah iyo kobcinta awoodda shaqo ee hay’adaha dowliga ah.
Ugu dambeyn, dhinacyadu waxay isla garteen muhiimadda ay leedahay joogteynta wada-shaqeynta iyo in la abuuro hannaan mideysan oo lagu horumarinayo maamulka iyo nidaamka hoggaamineed ee dalka.