Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Jubbaland oo ka Qayb Galay Shir Caalami ah oo Ka Socda Jakarta

0
170
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Jubaland Mudane Axmed Faarax Cali (Aweys) ayaa ka qayb galay shir weyn oo caalami ah oo lagu hormarinayo waxbarashada Soomaaliya, kaas oo ka socda magaalada Jakarta ee dalka Indonesia.
Shirkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta tayada waxbarashada, iskaashiga caalamiga ah, iyo kor u qaadidda fursadaha waxbarasho ee dhalinyarada Soomaaliyeed.
Agaasime Aweys ayaa kulamo la qaatay masuuliyiin iyo khubaro caalami ah, si loo xoojiyo xiriirka iyo wada shaqeynta dhinaca waxbarashada.