Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul Isaanka Jubbaland ayaa maanta daah-furtay kulan looga hadlayey wada shaqeynta Wasaaradaha Dowladda iyo Ururada bulshada rayidkaee Jubbaland.

106
Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul Isaanka Jubbaland marwo Cadar Ismaaciil Cabdullaahi ayaa maanta daah-furtay kulan looga hadlayey wada shaqeynta Wasaaradaha Dowladda iyo Ururada bulshada rayidka ee Jubbaland.
Kulankan waxaa kasoo qeyb galay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga gudaha Jubbaland ,Agaasimaha guud ee Wasaaradda Haweenka ,Agaasime waxeedyada qaar kamid Wasaaraddaha, xubno kasocday Maxkamada, Booliska iyo Ururada bulshada qeybahooda kala duwan.
Kulankan ayaa daarnaa xoojinta wada shaqeynta Ururada bulshada iyo Hay’adaha kala duwan ee Dowlada, adkeynta amniga iyo caawinta kuwa nugul ee bulshada kamidka ah.