Wiil yar oo lagu dilay magaalada Beledweyne

210

Rag la sheegay inay ku hubeysnaayeen Tooreey ama Mindi ayaa waxaa ay xalay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ku dileen Wiil Dhalinyaro ahaa oo kamid ahaa dhalinta ku nool Magaaladaas.

Wiilka oo lagu Magacaabi jiray Shakuur Maxamed Beyle ayaa dilkiisa waxaa uu ka dhacay Xafaadda Xaawo-Taako gaar ahaan laanta Dhagax-jibis, waxana la sheegay in rag watay mooto Bajaaj oo doonayay in ay mobile ka dhacaan ay dileen.

Waxaa goobta isaga baxsatay kooxdii geystay dilka wiilkan yar, waxayna sida la sheegay wadateen mooto Bajaaj.