Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Jubbaland oo booqasho iyo dhiirigelin ugu tagay dugsiga tababarka Daraawiishta

0
261

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Jubbaland, G/Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim, ayaa  booqasho iyo dhiirigelin ugu tagay dugsiga tababarka ciidamada Daraawiishta Jubbaland, halkaas oo uu kula hadlay ciidamo kala duwan oo tababar uga socdo, loona carbinaayo dagaalka Khawaarijta iyo sugidda amniga deegaannada Dowladda Jubbaland.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in akhlaaqda ciidanku ay tahay tiir-dhexaadka ugu muhiimsan ee looga baahan yahay inay ilaashadaan, si ay bulshada ugu adeegaan si xilkasnimo, anshax iyo ixtiraam leh.

Wuxuu ku dhiirrigeliyay inay ka fogaadaan wax kasta oo shareecada Islaamka ka hor imaanaya, gaar ahaan balwadda, taasoo dhaawici karta sumcadda askariga iyo sarkaalkaba, kana hor istaagi karta inay gutaan waajibaadkooda si hufan.

Kooxaha argagixisada ah ayuu sheegay guddoomiyuhu in aysan diin shaqo ku lahayn, islamarkaana kan is qarxinaya la daroogeeyo oo uusan miyirkiisu joogin marka uu is halligayo, taasoo macnaheedu yahay in Khawaarijtu sameeyaan wax kasta oo ay diinteenna suubban xarrimtay’ Sidaa darteed, ciidamada ayaa looga baahan yahay in ay ka feejignaadaan dhagarta Khawaarijta.

G/Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim ayaa ciidamada u sheegay in tallaabo laga qaadi doono qofkii la xiriira ama la macaamiila Alshabaab, gacan bir ahna lagu qaban doono, isla markaana aan laga aqbali doonin inuu ciidamada jaajuuso.