Qaramada Midoobay oo sheegtay in Soomaaliya ay qarka u saarantahay xaalad Macluul ah

398

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay Macaluul ka dhici doonto qaybo ka mid ah Soomaaliya inta u dhaxaysa Oktoobar iyo Disembar,  iyadoo abaartu ay sii xumaanayso, qiimaha cunnada adduunkana uu ku dhow yahay heerkii ugu sarreeyay.

“Macaluul ayaa qarka loo saaranyahay,” ayuu yiri madaxa Xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay Martin Griffiths oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Madaxa bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay ayaa sharaxay in uu hayo calaamado la taaban karo oo muujinaya in macaluul ay ka dhici doonto deyrta qeybo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Geeska Afrika ayaa waxaa ka taagan abaartii ugu darneyd muddo 40 sano ah, waxaana khubaradu ay sheegeen in gobolka uu ku socdo xilligii shanaad oo xiriir ah oo aysan roobab di’in.

Griffiths waxa uu sheegay in “xaaladaha iyo isbeddellada” hadda jira ay la mid yihiin kuwii 2010 iyo 2011, laakiin ay hadda xaaladdu kasii darantahay sababtoo ah waxa uu xusay in aan roobab la helin afar xilli roobaadyo iyo tobanaan sano oo colaado ah.

Sannadkii 2011-kii waxa dalka ka dhacay abaaro galaaftay nolosha in ka badan rubuc milyan, kuwaas oo u badnaa carruur.