Wafdi ka socday Wasaaradda Tamarta Jubbaland oo kulan la qaatay Maamulka Degmada Doolow

0
209
Wafdi ka socday Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowladda Jubaland, oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha Degmada Doolow, Mudane Mohamed Hussein Abdi (Lafeey).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta adeegyada biyaha, xoojinta wada-shaqeynta iyo sidii loo dardargelin lahaa mashaariicda horumarineed ee biyaha kuwaasi oo ka socda degmada Doolow.
Guddoomiyaha Degmada Doolow, Mudane Mohamed Hussein Abdi (Lafeey) ayaa ugu mahadceliyay Agaasimaha iyo waftigiisa Boqashada shaqada ee ay ku imaaden Degmada Dolow Ee Gobolka Gedo.
Isago kula dardarmay waftigan in ay shaqada si laba jibaaran Dhankoda ay kacawinayaan wax kasta oo ay uga bahan yihiin Degmada oo lagu Hor marinaayo Biyaha.