Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta dowladda Jubbaland oo hoggaaminaya kormeer lagu qiimeynayo mashaariicda biyaha ee Doolow oo halkaasi gaaray

0
156
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowladda Jubaland, Mudane Ahmed Osman Siyah, oo ay wehliyaan Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Jubaland, Mudane Mohamed Nunow, Agaasimaha Waaxda Biyaha iyo Fayadhowrka ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, injineero ka socda Wasaaradda, Iskuduwaha Gobolka Gedo iyo Iskuduwaha Degmada Doolow, ayaa kormeer ku sameeyay shaqooyinka ay wasaaradu ka fulinayso degmada Dooloow ee Gobolka Gedo.
Kormeerkan waxaa masuuliyiinta ku wehlinaayay madax ka socotay hay’adda UNICEF Somalia, oo wasaarada ka taageerayso mashaariicda halkaasi ka socota.
Intii lagu guda jiray kormeerka, Wafdiga ayaa indha-indheyn ku sameeyay xarumo muhiim ah oo ay kamid tahay xarunta ceelasha mashruuca R-WASH ee Qansaxley, iyo sidoo kale goobo kale oo qorshuhu yahay in laga hirgeliyo xafiisyo kor loogu qaadayo adeegyada biyaha ee degmada Doolow.
Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowladda Jubaland ayaa dadaal joogto ah ku bixinaysa xoojinta iyo horumarinta adeegyada biyaha ee Degmada Doolow iyo guud ahaan deegaanada Jubaland.