Ceelwaaq Ardayda Fasalka 8aad oo maanta ufariisatay imtixaanka dugsiga dhexe

0
446

Waxaa saakay si rasmi ah uga bilowday degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad-dugsiyeedka 2024/2025, kaas oo ka qabsoomay dugsiga Ceelwaaq Primary.

Munaasabadda furitaanka imtixaanka waxaa si rasmi ah u daahfuray Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee degmada Ceelwaaq, Bishaar Dhaqane Xasan, waxaana wehelinayey Agaasimaha waxbarashada degmada Ceelwaaq, madaxa tayeynta waxbarashada, iyo mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlad Goboleedka Jubaland.