
WAR SAXAAFADEED
Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Jubbaland, waxay dhammaan hay’adaha dowladda iyo shacabka Jubbaland ku wargelinaysaa qabashada Maalinta Dhir-beerista, oo ku began 17-ka Abriil, taas oo diiradda lagu saarayo xoojinta ilaalinta deegaanka iyo la dagaallanka saameynta isbeddelka cimilada.
Munaasabaddan, Wasaaraddu waxay qorshaynaysaa dhiirrigelin iyo fulin dhir-beeris ballaaran oo gaaraysa ilaa 5,000 (shan kun) oo geed, kuwaas oo lagu beeri doono xarumaha dowladda, iskuulada, isbitaalada guud iyo kuwa gaarka loo leeyahay, iyo waddooyinka waaweyn ee deegaannada Jubbaland. Tani waxay gacan ka geysan doontaa yareynta nabaad-guurka, hagaajinta tayada hawada, iyo kor u qaadidda bilicda iyo caafimaadka deegaanka.
Ujeeddooyinka ugu muhiimsan ee ololahan waxaa ka mid ah:
- Kor u qaadidda dhirta iyo keymaha deegaanka
- Ka hortagga nabaad-guurka iyo xaalufka dhulka
- Wacyigelinta bulshada ee ku saabsan ilaalinta deegaanka
- Xoojinta iskaashiga bulshada iyo hay’adaha kala duwan
Wasaaraddu waxay ku boorinaysaa dhammaan bulshada — hay’adaha dowladda, ururrada bulshada, ganacsatada, iyo dhalinyarada — inay si firfircoon uga qayb qaataan maalintan muhiimka ah si loo helo Jubbaland-ta cagaaran.
— DHAMMAAD —

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







