
Maaamulka gobolka Gedo iyo Maamulka degmada Doloow ayaa baaq nabadeed u direy dadka walaalaha ee ku dagaalamaya degmada Luuq ee gobolka Gedo.
Gudoomiyaha gobolka Gedo Cabdulaahi Cabdi Jaamac iyo Gudoomiyaha degmada Doloow Maxamed Xuseen Cabdi oo kulanka ka hadlay ayaa u tacsiyeeyey dadkii ku geeriyoodey waxayna intii ku dhaawacantey Alle uga baryeen inuu caafiyo, iyagoona dhinacyada dagaalamaya ka codsadey in si shuruud la’aan ah ay u joojiyaan dagaalka islamarkaana laga baaqsado daadinta dhiiga umada Soomaliyeed iyo burburinta hantidooda.


![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







