Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo  ka qeybgalay bandhigga doon casri ah

0
194
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa  ka qeybgalay bandhigga doon casri ah oo ay farsamaysay shirkadda Sommarine Limited oo ah shirkad farsamaysa qalabka badda.
Doontan oo ah tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee lagu sameeyo gudaha dalka, ayaa la filayaa inay ka howlgasho xeebaha Jubaland, iyadoo door weyn ka qaadan doonta horumarinta kalluumeysiga iyo kobcinta dhaqaalaha buluugga.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shirkadda Sommarine Limited, isagoo ku ammaanay dadaalka iyo farsamada ay ku hormarinayaan wax-soo-saarka gudaha, isla markaana ku dhiirrigeliyay maalgashadayaasha kale inay ka faa’iideystaan fursadaha ballaaran ee ka jira kheyraadka badda Jubaland.