Duqa Kismaayo oo Xarigga ka Jaray Suuq Casri ah oo Laga Hirgeliyay Deegaanka Istambuul

0
147
Gudoomiyaha Degmada Kismaayo ahna duqa magaalada oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Hay’adaha Dowlada iyo dadka deegaanka ayaa xarigga ka jaray suuq hab casri ah loo dhisay oo laga hirgaliyay deegaanka Istambuul ee waqooyiga magaalada Kismaayo.
Suuqa  la xarig jaray ayaa ka kooban qeybihii lagu iibin lahaa qudaarta, qeyb loogu talagalay in ay ku shaqaystaan dadka xirfadleyda ah ee farsamada gacanta ku shaqaysta, qeyb loogu talagalay in lagu iibiyo raashinka, dharka iyo daawada waxaa sidoo kale suuqa uu leyahay qeyb gaar ah oo laga hirgalin doono ilaa afar maqaayadood, suuliyo taangigii biyaha iyo xafiisyo ay ku shaqeen doonaan dadka maamulaya suuqa.
Qaar kamida dadkii nasiibka u yeeshay in ay ka faa’ideystaan suuqa laga furay deegaanka Istambuul ayaa ka hadlay dhibaatada ay ku qabeen goobihii hore ee ay ganacsiga ku lahaayeen.