Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowlad Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo tababar muhiim ah ugu soo xirtay qaar ka mid ah ciidamada booliska

0
207
Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowlad Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo tababar muhiim ah ugu soo xirtay qaar ka mid ah ciidamada booliska ee ka howlgala saldhigyada booliska ee gobolka Jubada Hoose.
Tababarkan ayaa ujeedkiisu ahaa kor u qaadidda xirfadaha iyo aqoonta ciidanka ee tacadiyada ku dhaca haweenka iyo caruurta si ay si hufan ugu adeegaan bulshada.
Munaasabadda tababarka ayaa waxa kasoo qeyb galay agaasimaha Guud ee wasaaradda amnigagudahadowladajubbalandmudanexareed kalees cabdi ,qaar ka mid ah shaqaalo waaxeedka wasaarada hoggaanka booliska iyo xiriirka dadweynaha ee gobolka jubada hoose, iyo sidoo kale saraakiil ka tirsan ciidanka booliska ee ka shaqeeya xarumaha boolis ee u adeegga bulshada.