Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Jubbaland oo kormeeray ceelasha biyaha Degmada Afmadow, ballan qaadayna horumarin iyo ceelo cusub

0
186
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowladda Jubaland, Mudane Ahmed Hussein Baraki oo ay wehelinayaan Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Jubaland iyo madax kale oo maalmihii la soo dhaafay safar shaqo ku joogay Degamada Afmadoow, ayaa hawl-gal kormeer iyo u kuurgalka xaaladaha biyaha ku tegay qaar kamida ceelasha biyaha ee ay ka cabaan bulshada ku dhaqan magaalada.
Wasiir Axmed ayaa warbixino ka dhegaystay masuuliyiinta ceelashaasi gacanta ku haya, kuwaasi oo dhawaan dib u haybayn lagu sameeyay qaar kamida, kuwa kalena ay Wasaaradda Biyuhu oo kaashanaysa haya’ddaha ay wada shaqaynta leeyihiin ay qodeen.
Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Biyaha ayaa ballan qaaday inay usoo kordhinayaan
Ceelasha biyaha ee ay magaaladu ka cabto, asagoo geesta kale shacabka kula dardaarmay inay aad u ilaaliyaan amiga iyo sidii ay dadku ugu wada noolaan lahaayeen nabad galyo.