Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland oo Luuq gaarsiisay Gargaar raashiina ilaa 1,000 Qoys

0
185
Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland ayaa degmada Luuq ee gobolka Gedo gaarsiisay raashiin loogu talagalay dadka danyarta ah ee ay abaartu saameysay ee halkaasi ku nool.
Gargaarkan oo loo qaybiyay 1,000 qoys ayaa qayb ka ah deeq ay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ugu deeqday shacabka Jubbaland, taas oo loo qorsheeyay in la gaarsiiyo 12,000 oo qoys oo ku nool degmooyinka iyo deegaanada Jubbaland.
Raashiinkan ayaa ka kooban bur, bariis, sonkor iyo saliid, iyadoo la guddoonsiiyay dadka ugu mudan.